Thursday, October 18, 2012

WAAQ: Siiyaalka si aad u dhaqato waa in aad sooyaalka ogsoonaato

Soomaalidii hore waxay rumaysnayd diin u gaar ah. Isla sida dadka kale ee dunida ku nool u lahaa ama haddeer u leeyihiin diino ku salaysan dhaqankooda iyo soojireenkooda ee dheehan kayd-duuggii asalkoodii oo kale ayaa Soomaaliya u lahayd diimaheedii. Ka hor inta Carabtu afka ciidda u darin Soomaalinnimadii oo gebi haan beddelin astaamaheedii, heer dadku ku faano isir ay u ekayn oo la soo joogsaday Carab baan ahay, waxay lahaan jireen dadkeennu sooyaal hanan oo lagu faano.

Wax badan baa qarsoon oo la duugay si aan loo faagan mar dambe. Waxaa lagu dabiibay tixraacii dadkeenna erey shisheeyeed; XAARAAN. Dhanka kale: Haddii Soomaaliya xiriir la lahayd Masaaridii hore oo xiriirkaasu jiray in ka badan saddex kun oo sano, iyo haddii waagii Masaaridii hore laga joogo shan kun oo sano, waxaa halkaas tif iyo miriq ka ah taariikh aad iyo aad u dheer oo qani ah oo u baahan in daaha laga rogo. Xataa Kushitigga kale ee Geeska Afrika waa uu ogsoon yahay raqdii ahaanshihiisii hore.

Inta aan la dhadhansan macaanka iyo qaraarka laga dhiiqo soojireenka Soomaaliyeed waxaa ugu horryan mudnaan leh falanqaynta arrimaha horseeday moogganaanta ama maahsanaanta dabadheeraatay ee Soomaali ka indhosaabtay soojiraankeedii iyo sooyaalkeedii. Jawaabaha ka biqleeya su'aalaha dhabta ah ayay garashada ugu mudan ka duulaysaa. Ka dib sahal baa loo gorfayn karaa asal ahaanshaha Soomaaliyeed. Jahwareer iyo been faafay oo faro badan ayaa jira, labo arrimood baana ugu hubboon in la iftiimiyo. Ta hore, lexejeclo loo qabo diinta Carbeed ee hadda dhisaalan oo xeerarkeedu qeexaan dabargoynta dhaqammadii hore. Ta labaad, in aan loo nuglayn waxa ka soo bixi doona iyo in aan dhaayo loo qabin astaamihii Soomaalidii hore ee aan raadkeeda micne weyn loo arkin.

Asii lagu guulaysto in laga gudbo xaqiiqooyinkaas waxaa la daahfurayaa hadiyad laga soo dhex baxsaday raqdii isirkeenna, iyo kalsooni hor leh oo loo qaado Soomaalinnimada sii hagaasaysa. Bilow ahaan siiyaalka si aad u dhaqato waa in aad sooyaalka ogsoonaato, arrintaasu dhab ahaan dunida qolo ama qoom aan ku waaberiisan ma jiro ma waaro. Soomaali ahaan na in dheer waa laga cago jiiday oo la saluugay sababta ay doonto ha loogu marmarsiyoodee. Ma jirto qolo kale oo Soomaali maanta u diiddan in ay dib u jaleecdo oo tiigsato wixii ay ahayd iyo wixii ay lahaan jirtay labada ba, waxaa se jira kalsooni darro iyo aragti shisheeyeed oo u taban taas ka soo hor jeedkeeda.

No comments:

Post a Comment